Kooxda kubadda cagta Galatasaray ee dalka Turkiga ayaa xaqiijisay inay naadiga Swansea City kala soo saxiixatay weeraryahankii Premier League caanka ka ahaa ee Bafetimbi Gomis.
31-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay amaah ugu soo ciyaaray kooxda ka dheesha horyaalka Ligue 1 ee Marseille, isagoo u dhaliyey 20 gool 31 kulan oo horyaalka ah oo uu u ciyaaray, ka hor inta uusan dib ugu laaban garoonka Liberty Stadium.
Si kastaba, xiddiga xulka qaranka France ayaa hadda ka soo tagay Swansea City, waxaana uu heshiis rasmi ah oo ku kacaya 2.5 Milyan oo bound ugu biiray kooxda dalka Turkiga ka dhisan ee Galatasaray, isagoo u saxiixay heshiis ku eg ilaa sanadka 2020.
Kooxda Galatasaray ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay maanta weeraryahanka Bafetimbi Gomis oo dadka Soomaaliyeed ee Premier league daawada ay naanays uga dhigeen gurguurto, maxaa yeelay marka uu gool dhaliyo dabaaldeggiisa ayaaba ah gurguurasho.
Bafetimbi Gomis ayaa 17 gool dhaliyey 71 kulan oo uu ciyaaray intii lagu guda jiray labadii sano ee uu ku qaatay garoonka kooxda Swansea City ee Liberty Stadium.




