Maanta oo Talaado ah ayaa qorsuhu ahaa in uu furmo kal-fadhiga 8aad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed,kaas oo ahaa kulankii ugu dambeeyey,hayeeshee gebi ahaanba la joojiyey.
Magalada Baydhabo waxaa ku sugan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan & Dhigiisa Jabuuti Maxamed Cali Xaamud,kuwaas oo doonayay inay ka qeyb galaan munaasabada furitaanka,balse kulanka uu baaqday.
Wararka la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in sababaha ugu weyn ee kulanka u baaqday uu yahay inay socotay qorsho ah in mudada loo kordhiyo Golaha Wakiilada taasi oo keentay in la isku khilaafo sidaasina uu kulanka ku baaqday.
Mid kamid ah Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed ayaa Risaala u sheegay in Madaxda koonfur Galbeed ay isku raaceen in la kala diro maadaama Xubnaha Baarlamaanka koonfur Galbeed uu waqtiga xilheyntooda uu dhamaaday.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Xildhibaannada waqtiga uu ka dhamaaday lagu wargeliyey inay tagaan deegaannada ay matalaan,isla markaana kalsooni ay kasoo raadsadaan si loo soo xulo Baarlamaanka Cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed.