Home Wararka Baarlamaanka Jubbaland oo markale aqbalay codsi uga yimid Axmed Madoobe

Baarlamaanka Jubbaland oo markale aqbalay codsi uga yimid Axmed Madoobe

Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland waxaa Maanta Golaha Wakiilada ay ku yeesheen Kalafadhigii labaad kulankiisa lixaad,iyaga oo la horkeenay codsi ku saabsan inay muddo kordhin ugu sameeyaan Xiliga Madaxwaynaha Jubbaland uu ku soo Magacaabayo Golaha Wasiirada.
Xildhibaannada ayaa dood dheer kadib waxaa ay Cod gacan taag ahaa ay u kordhiyeen Modo dhan 65 cisho oo hor leh,sida uu sheegay markii uu soo dhamaaday kulanka Golaha Gudoomiyaha Hab-dhowrka Barlamaanka Jubbaland Shugri wayrah Kaariye.

Waa markii labaad oo Baarlamaanka Jubbaland ay muddo kordhin ugu sameeyaan Axmed Madoobe xilliga uu soo Magacaabayo Golihiisa Wasiirada,waxaana tan ay kusoo aadeysaa xilli uu la heshiiyey Xubnihii mucaaraddanaa ee Isbedel-doonka Jubbaland.