Baarlamaanka Galmudug oo ka hadlay Guddiga doorashada Aqalka Sare

Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta yeeshay kulankooda caadiga ahay, kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayna wehlinaayaan labadiisa ku xigeen, ajandaha kulanka maanta ayaa ahaay

  1. Akhrinta 3aad & Ansixinta Hindise Sharciyeedka Nootaayada Galmudug.
  2. Guddiga Doorashada Aqalka Sare ee JFS.
  3. Farriin-jeedinta Gabdhaha Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise Sharciyeedka Nootaayada Galmudug kaas oo ay Golaha Baarlamaanka Galmudug usoo gudbisay Wasaarada Cadaalada Baarlamaamka Galmudug

Gudiga Garsoorka iyo Cadaalada Baarlaamka Galmudug oo Hindise Sharciyeedka Nootaayada Galmudug dib u eegis kusoo sameeyay ayaa Golaha Baarlamaanka Galmudug uga mahadceliyay ansixinta sharcigaan