Ra’iisul Wasaare Mariano Rajoy oo xilkii laga qaaday

Spain's Prime Minister Mariano Rajoy, pauses during a speech on the second day of a motion of no confidence session at the Spanish parliament in Madrid, Friday, June 1, 2018. Socialist opposition leader Pedro Sanchez is on the brink of ending Mariano Rajoy's more than six-year reign as Spanish prime minister in what would be the first ouster of a serving leader by parliament in four decades of democracy as Spain's conservative government appears doomed to lose a no-confidence vote in parliament(AP Photo/Francisco Seco)

Baarlamaanka dalka Spain ayaa racdeeyay oo dibadda dhigay R/wasaare Mariano Rajoy ,kadib markii loo qaaday codka kalsooni kala labashada.

Ilaa 180- xildhibaan ayaa codka ugu badan kaga soo horjeestay R/wasaaraha maanta oo Jimco ah,waxaana loo heystaa in isaga iyo xisbigiisa ay galeen arrimo ay ka mid yihiin musuq-maasuq.

Waa R/wasaarihii ugu horeeyay ee loo qaado codka kalsooni kala noqoshada tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 1977-dii.

Mr. Rajoy ayaa hadal uu jeediyay codeynta Baarlamaanka ka hor waxa uu u muuqday mid ogol in Mr. Sanchez oo ah hogaamiyaha mucaaradka uu qaban karo jagadaasi.