Goofgaduud-RisaalaFM- Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa xalay ilaa iyo saakay waxa ay baaritaano ka wadaan Deegaanka Gooofgaduud oo 30-KM ujira Magaalada Baydhabo ee xarunta Goblka Baay, oo shalay ay Shabaab kala wareegeen.
Ciidamada uu hogaaminaayo Wasiirka Hub Ka Dhigista iyo Dhaqancelinta Maamulka Koonfur Galbeed,Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), oo tiradooda ay gaareyso 500 oo Askari ayaa waxa ay baaritaanadan ku sheegeen in ay wadaan yihiin kuwo bartilmaameed ah.
Dadka Deegaanka ayaaa Risaala u sheegay baaritaanadan in lagu soo qab qabtay Rag lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab.
Xaalada Deegaanka Goofgaduud ayaa degan, waxaana si buuxda hada gacanta ugu haya ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo shalay Deegaankaasi ay isaga baxeen Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab.


