Baaritaan labo sano lagu hayay Trump oo la soo geba-gabeeyey

Warbixin kooban oo Aqalka Aqalka Kongresska uu u gudbiyay Robert Mueller oo ah dambi baare khaas ah ayaa tilmaameysa in Ol’olihii doorashada ee madaxweyne Trump wada shaqayn ma dhex marin Ruushka intii lagu guda jiray doorashadii 2016.

Sidoo kale warbixinta ayaa sidoo kale soo bandhigtay in Madaxweyne Trump uu si sharci darro ah u hor istaagay caddaaladda.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka William Barr ayaa xogtan kooban ee xildhibaannada lala wadaagay ka soo dhex saaray natiijadii ka soo baxday baaritaankii la sameeyay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo arrintaan jawaab ka bixinayay ayaa sheegay in aysan jirin wadashaqeyn iyo in uu cadaalada hor-istaagay,m waxaana baaritaanka uu ku tilmaamay arrin sharci darro ahayd oo guuldarraysatay”.

.Xogtan cusub ee la soo saaray ayaa ah natiijo ka dhalatay baaritaan uu labo sano wadday Mueller, taas oo horseeday in kaaliyeyaashii ugu dhawaa madaxweyne Trump dacwado lagu soo oogo, qaarkoodna xabsi la dhigo.