Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacay Kulan looga hadlayay Dagaalka Magaalada Gaalklacyo ee xarunta Gobolka Mudug iyo xabad joojintii laga gaaray.
Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Aw-qaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka soo qeyb galay Culimada Soomaaliyeed gaar ahaan Mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.
Kulanka oo mudo saacado ah qaatay ayaa waxa looga hadlay colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo, Abaaraha ka jira Gobolada qaar ee dalka iyo arrimo kale.
Waxyaabaha kulanka ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa in maaalinta Isniinta ah la isugu soo baxo Salaad Roobdoon ah, iyo in si deg deg ah loo joojiyo Dagaalka Gaalkacyo oo dad badana ay ku dhinteen, sidoo kalena ay ku barakaceen.
Gaba gabadii kulanka ayaa Bayaan la soo saaray waxaa warbaahinta u akhriyay Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad.


