Axmed Madoobe”Mudo 18 bilood gudahood ayaan Al-Shabaab uga saareynaa Jubbaland

Madaxweynihii  dowlad goboleedka Jubaland ee waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatay oo Maanta jeedinayay khudbadiida mushaarxnimo ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amniga,Caafimaadka & Arrimaha Bulshada.

Isaga oo ka hadlayay dhinaca Amniga ayuu sheegay in intii uu xilka hayay uu dhisay ciidao cudud leh oo xoogan,kuwaas oo la dagaalami kara ururka Al-Shabaab, iyada oo aan cidna ka caawin.

”Jubbaland waxaa ay leedahay Ciidamo cudu leh oo dagaalama,waxaana idiin sheegayaa in mudo 18 Bilood gudahood ah aan Al-Shabaab uga saari doono deegaannada Jubbaland oo ay ka mid tahay Caasimadda Jubbaland ee Buu’aale ayuu yiri Axmed Madoobe”.

Madaxweyaha waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatay ee Jubaland ahna musharax Madaxweyne ayaa xilligaan ka mid ah musharixiinta ugu cad cad doorashada Jubbaland, iyada oo xilkaasi ay kula tartami doonaan Saddex musharax oo midi haweeneey tahay.