Xukuumadda Austaraliya ayaa sheegtay in ay Soomaaliya siin doonto kaalmo dhinaca bani’aadanimada oo dhan 5.5 Milyan oo Doolarka Australia una dhiganta in ka badan 4 Milyan oo Doolarka Maraykanka, taasi oo loogu tala galay in wax looga qabto arrimaha Amniga deeqaha iyo Abaaraha soo noqnoqday.
Warkaan oo ka soo baxay xafiiska wasiiradda arimaha dibadda Austaraliya Julie Bishop ayaa lagu yiri, ”Wali dhibaatooyinka abaaraha waa kuwa taagan kuwaasi oo ka dhasha xaaladaha amni, hoy la’aanta iyo xilliyada isku xig xiga ee aan dalku roobab ku filan helin”.
Xukuumadda Austaralia ayaa intaasi raacisay in kaalmadaan ay ku soo gaarsiin doonaan Soomaaliya qaab raashin deg-deg ah, biyo nadiif ah iyo hoy, Taageeradan ayaa waxaa la soo marsiin doonaa Qaramada Midoobay iyo hay’adaha bani’aadamnimada ka shaqeeya.



