Askari lagu dilay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa saakay lagu dilay xaafada Dabakaayo Madow ee degmada Dharkeynley Gobolka Banaadir, sida ay sheegeen masuuliyiinta degmadaasi.

Askariga la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Axmed Toosow, sida ay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Askarigan, kuwaasi oo dilka kadib Askarigii ka qaatay Qorigii uu watay.

Maamulka degmada Dharkeynley iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen Meydka Askariga la dilay.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada ammaanka oo goobta uu dilka ka dhacay gaaray ayaa waxa uu sheegay in ay ku raadjoogaan raggii ka dambeeyay dilka Askariga.