Askari Kenyan ah oo dalbaday in laga badbaadiyo Shabaab

Loanard Maingi Kiiyo oo ah askari ka tirsan ciidamada dalka Kenya, balse gacanta ugu jira Ururka al Shabaa ayaa dalbaday in laga sii daayo Ururkaasi oo la badbaadiyo.

Askarigaan Kenyan-ka ah ayaa sheegay inuu fariin u diraayo Dowladda Kenya, Xildhibaanada iyo Saraakiisha ciidanka, isaga oo ka dalbaday inay ka shaqeeyaa sidii loo sii deyn lahaa.

Askarigaan oo Shabaab ay ku qabteen dagaalkii ka dhacay Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo, ayaa ka sheekeeyay sida Shabaabka ay u qateen iyo weerarka sida uu ku dhacay.

“1-dii bishi January ee sanadkii 2016-ka ayaan imid Soomaaliya, waxaana ku biiray ciidamada AMISOM ka dibna waxaa na loo qaaday magaallo lagu magacaabo Ceel-Cadde. Markii aan meeshaas degnayna waxaa na soo weeraray Al-Shabaab 15-kii bishii January ee 2016-ka.”

“Ka dib markii uu weerarka dhacayna, hubkeenii oo dhan wuxuu u gacan galay Al-Shabaab. in ka badan 100 ka mid ah askartii saaxiibadeyda ahayd waa la dilay, qaar kale oo aan aniga ku jirana nolosha ayaa lagu qabtay.”

“Fariinteyda ugu horeysa waxaan u dirayaa qoyskeyga iyo qaraabadeyda guud ahaan, Waxaan doonayaa in aan u sheego in aan jeclahay oo aan u duceeyo, iyagana aan ka rajeynayo in ay ii soo duceeyaan, Maxbuus ahaan rajada kaliya ee aan leeyahay waa iyaga.”