Wararka aan Caawa ka heleyno degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu diley askari ka tirsnaa Ciidamada Dowladda ee haramcad,kadib markii rasaas lagu furey goob ay ku sugnaayeen.
Dilka askariga ayaa sida ay Goobjoogayaal sheegeen waxaa ay ka dambeysay,kadib markii ay rasaas fureen askar ku sugneyd ilinka Hotelka Bader ee Guriceel oo galinkii dambe ee maanta la dajiyay Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo safar ku gaarey Guriceel.
Askariga dhintay iyo askar kale oo la socotay ayaa saarnaa gaari nooca raaxada ah kaasi oo Ciidamada ilinka hotelka ilaalinayay ay ka shakiyeen xiligaasi oo xowli uu kusoo gaaray albaabka hotelka sidaasina rasaastu ku dhacdey .
Goobta shilku ka dhacey waxaa ku sugan Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Xildhibaano , Saraakiil Ciidan iyo maamulka Cusub ee Guriceel oo caawa balantu tahay in uu xilka la wareego.
Wararkii ugu dambeeyey ee Guriceel laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana Ciidamadii rasaasta furey la xirey.



