Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qof Shacab ah ku dilay duleedka Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Sida ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka Askari qofka uu dilay waxaa uu ahaa nin waday Gaari Caasi ah oo soo galayay Magaalada Jowhar.
Waxaa la sheegay in uu waydiistay lacag markii diidayna uu Xabad ku dhuftay.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana la sheegay in uu baxsaday Askarigii u geystay dilka ninka darawalka ah.


