Arsene Wenger oo shaaca Ka qaaday sida kaliya ee Mustaqbalkiisa Arsenal lagu idleyn karo

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa si xasilloon uga jawaabay su’aalo ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda Arsenal.

Ka hor kulanka Europa League Arsenal ay la ciyaarayaan CSKA Moscow, Wenger ayaa waxaa la weydiistay haddii mustaqbalkiisu uu ku xiran yahay tartankaan.

Laakiin tababaraha Faransiiska ayaa kaliya ku jawaabay: “Europa League muhiim ayuu inoo leedahay, qof walba waa ogyahay.

“Waxaan ku jirnaa marxalad aan diirada saareyno koobkaan, sababtoo ah horyaalka Premier League waxaan heysanaa fursad aad u yar oo aan ugu soo baxno Champions League.

Europa League waa mid ka mid ah bartilmaameedyada haatan ugu waa weyn kooxda si aan  u xaqiijino ciyaarista Champions League” ayuu yiri Wenger.

Hadalka Wenger ayaa u muuqda mid  mustaqbalkiisa ku xiran yahay ku guuleysiga Europa League, haddii uusan ku guuleysan wuxuu muujiyay inuu ka tagi karo Gunners.