Ciyaartan oo qaybteedi hore kusoo idlaatay 1-1 ah ayaa marki dib la isugu soo laabtay waxa guul ku xaqiiqsaday Arsenal.
Gunners ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta daqiiqaddii 62-aad waxaana goolkaas u saxiixay xidigooda weerarka P.Aubameyang.
Balse Cardiff City oo markale soo laabatay ayaa waxaa goolkeeda barbaraha u keenay xidigooda Danny Ward kaas oo shabaqa gaaray daqiiqaddii 70-aad ee ciyaarta.
Arsenal oo xaalku ku xunyahana waxaa goolka guusha u keenay weeraryahankooda A.Lagazette kaas oo cid walba oo Gunners taageerta kafarxiyay daqiiqaddii 81-aad.
Cardiff City oo isku dayday in ay markale bar bareeso Gunners ayaysan u suurta galin.
Ciyaarta ayaana waqtigii loogu talagalay kusuoo idlaatay 3-2 oo ay ugu danabyn guushu kuraacday Arsenal.



