Arsenal oo Lambarka 18-aad Ka Qaaday Nacho Monreal & Xiddig Kale Oo Loo Dhiibay

Reiss Nelson ayaa ka mid ah xiddigaha la yaabka leh ee kooxda Arsenal, ee safar ciyaareedka ku jooga dalka Australia, waxaana loogu soo daray kooxda koowaad ee Gunners xilli ciyaareedka soo socda.

Weeraryahanka 17-sano jirka ah, ayaa la saadaalinayaa inuu mustaqbalka weyn ku leeyahay garoonka Emirates, waxaana uu kusoo bilowday kulankii Sydney ay kooxdiisa Gunners 2-0 kaga badisay Stadium ANZ.

Nelson, ayaa kamid ah dhalinyarada uu ku kalsoon yahay macalin Arsene Wenger, waxaana lagu soo daray kooxda koowaad ee Gunners xilli ciyaareedka soo socda, isagoo xiran doona maaliyada No.18.

Waxaa xiiso leh, in lasiiyay lambarkii Nacho Monreal, laakiin tani macnaheedu ma ahan in daafac reer Spain uu ka tagi doono kooxda.

Nacho Monreal  oo ka ciyaara daafaca bidix ayaa qaadan doona midkood lambarada ay baneeyaan labada ciyaaryahan ee Kieran Gibbs iyo Mathieu Debuchy.

taageerayaal badan oo Arsenal ah ayaa rumeeysan in ciyaaryahanka dhalinyarada ah ee Reiss Nelson mustaqbal wanaagsan ku leeyahay kooxda.

labada daafac ee Gibbs iyo Debuchy ayaa ka tagi doona kooxda waqooyiga London ka dhisan xagaagan.