Arsenal oo la soo wareegeysa Ciyaaryahan Caan ah

Kooxda Kubadda Cagta  ee Arsenal ayaa u muuqata mid aysan wax badani ka xigin saxeexa khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Dani Ceballos kaas oo ay qaab amaah ah ku keeni doonaan Emirates Stadium.

Ceballos ayaa Real Madrid kaga soo biiray dhinaca Real Betis balse waxa uu marnaba ka waayay kooxda tababare Zidane wixii uu doonayay oo ahaa fursad Ciyaareed uu isku muujiyo.

Dhawaan ayay ahayd markii uu banaanka keenay sida ay uga go’antahay inuu kasoo wareego kooxdaasi isaga oo saxaafada si cad ugu sheegay inuusan doonayn inuu u ciyaaro Zidane.

Haatan wargeyska AS ee kasoo baxa Madrid ayaa sheegaya inuu Ceballos ogolaaday inuu ku biiro Gunners isaga oo ka warqaba inuu halkaas ku heli karo fursad uu isku muujiyo boosna kaga heli karo xulka Spain ee koobka EURO sanadka dambe ka qayb qaadanaya.