Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ku dhowaaqday in heshiis xor ah ay kula soo wareegtay xiddigii Chelsea ee Willian, isla markaana uu qalinka ku duugay heshiis saddex sannadood ah oo uu Arsenal ugu ciyaari doono.
32 jirka reer Brazil ayaa Arsenal mushahar ahaan uga qaadan doono £220,000 toddobaadkii ayaa xidhan doona funaanadda No.12.
Willian ayaa si xor ah ugu soo biiray Arsenal kaddib markii uu soo dhamaaday heshiiskii uu kula jiray Chelsea oo uu toddobadii sannadood ee ugu dambeeyey u ciyaarayay, isla markaana uu iska diiday in laba sannadood oo ay u bandhigeen inuu qandaraaskiisa ku kordhiyo.



