Arsenal oo Giroud Iyo lacag isugu dareysa Napoli si ay Kaga helaan Higuain

Arsenal ayaa isku diyaarineysa inay siiyaan Olivier Giroud kooxda Napoli si ay kaga helaan Gonzalo Higuain xagaagan, sida laga soo xigtay wariye Talyaaniga ah ee Gianluca Di Marzio.

Tababaraha Gunners Arsene Wenger, ayaa u arka xiddiga reer Argentina mid ku haboon baahida weerar ee uu qabay waqtiga dheer,

Weeraryahanka Napoli ayaa isha ku haya in uu ka tago kooxdiisa kadib marki uu dhaliyay 36 gool oo Serie A xilli ciyaareedkii hore.

Macalinka kooxda Napoli Maurizio Sarri, ayaa kusugnaa kulankii Finaalka Euro 2016 ee ka dhacay Stade de France habeen ka hor isagoo dawanayay Giroud oo 29-sano jir ah,

Waxaa la rumeysan yahay in labada koox ay kawada hadleen wax ku saabsan is dhaafsiga Higuain iyo Olivier Giroud oo lacag loogu dari doono kooxda Napoli.

Liverpool ayaa kamid ah kooxo u dhawaaday saxiixa Higuain, iyadoo sidookale Chelsea uu bartilmaameed xoogan u yahay.