Kulankan oo qaybtiisi hore kusoo idlaaday bar baro 1-1 ah ayaa marki la isku soo laabtay waxaa guul ku xaqiiqsaday kooxda Arsenal.
Gunners ayaa qaybtii lasoo gashay kubad isku dheelli taran oo ay ku maamulaysay kulanka intiisa badan, iyaga oo ugu danbayn la yimid goolka guusha.
Xidiga reer Gabon ee Aubameyang ayaana shabaqa gaaray daqiiqaddii 67-aad ee ciyaarta kadib caawin qurux badan oo uu ka helaya daafac garabka bidix ee S.Kolasinac.
Bournemouth oo isku dayday in ay ciyaarta barbareeso ayaysan u suurta galin, kulanka ayaana ku soo idlaaday 2-1 oo ay guushu ku raacday Arsenal.
Guushan ayaana ka dhigan in Arsenal hal dhibic u soo jirsatay afarta kooxood ee ugu sarraysa horyaalka Premier League, kadib guul darradii soo gaartay Chelsea.



