Arsenal oo beddelka Ramsey u aragta Herrera!

Naadiga Arsenal ayaa suuqa ka baadi goobeysa beddelka Aaron Ramsey kaasoo laga yaabo suuqa January inuu ka dhaqaaqo wuqooyiga London.

Gunners ayaa bartilmaameed ka dhiganeysa xiddigo dhowr ah kuwaasoo ka ciyaara khadka dhexe, si ay u buuxiyeen booska u banneyn doono laacibka reer Wales.

Kooxda reer England ayaa dareenkeeda siineysa xiddigga kooxda Porto Captain-ka u ah ee Hector Herrera.

Laacibka Mexican-ka ayaa qandaraaskii uu dhici doonaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana durbo uu xiiso ka helayaa Arsenal.

Kooxda Emirates ayaa indha-indheeyeyaal u dirtay kooxda Porto kullankii Champions League-ga ay 1-0 kaga adkaatay Galatasaray.

Hector Herrera ayaa bandhig cajiib ah ka sameeyay Koobkii Adduunka waxaana uu qaab ciyaareedkiisa kusoo jiitay qaar ka mid ah kooxaha ugu waaweyn qaaradda Europe.