Kooxda Arsenal ayaa xagaagan si wayn ugu jirta suuqa kala iibsiga waxayna u muuqataa in ay sarre u qaaday lacagihii looga bartay in ay suuqa ciyaartoy kagala soo wareegto.
Kadib markii ay xili ciyaareedkii la soo dhaafay ku dhamaysatay kaalinta shanaad ayuu Arsene Wenger bilaabay in uu kooxdiisa ka dalbado in markan jeebka gacata si wayn hoos loogu galiyo.
Arsenal ayaa maanta ama barri si rasmi ah u dhamaystiri doonta saxiixa xidiga uu Arsene Wenger waqti dheer doonayay ee Alexandre Lacazette kaas oo heshiis shan sano ah Arsenal u saxiixi doona waxayna Gunners kooxda Lyon kula heshiisay lacag 50 milyan oo euros ka badan.
Laakiin markale Arsenal ayaa u jeedsatay kooxda Sporting Lison oo kala ah William Carvalho iyo Gelson Martins kuwaas oo ay ka soo bixinayso 70 milyan oo gini waana lacag u dhiganta 80 milyan oo euros. Arsene Wenger ayaa doonaya in labadan xidig uu kooxdiisa ku soo xoojiyo.



