Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay isu diyaarineyso lasoo saxiixashada weeraryahanka kooxda Boca Juniors ee Cristian Pavon.
Gunners ayaa si aad ah loola xiriiriyay laacibka reer Argentina intii uu socday Koobka Adduunka ee xagaagii lagu qabtay dalka Russia.
Sida ay The Sun ku warrameyso, Unai Emery ayaa diyaar u ah in dalab qiimo sare ah uu ka gudbiyo 22-jirkan, si bisha January ay usoo qaataan.
Wararka ayaa sidoo kale intaas ku daraya in horraan Arsenal ay la xiriirta Boca, isla markaasna la hor dhigay qiimo lacageed gaaray £40million.
Fulham ayaa sidoo kale isku day horraan u sameysay, balse kooxda ku ciyaarta Emirates ayaa ah kooxda ugu cadcad saxiixa Pavon.
Pavon ayaa xulka Argentina waxa uu u saftay 11 kullan, waxaana lagu tiriyaa mid ka mid ah xiddigaha mustaqbalka ifaya ku leh koonfurta America.
Waxaa uu Boca ka tirsanyahay tan iyo 2014, waxaana uu xilligaas kaga soo biirray kooxda Talleres oo ay kaga soo qaateen £1m.
Waxaa macquul ah in hadda uu usoo weecdo gudaha England, iyadoo macallinka Arsenal ee Unai Emery uu aad u baadi goobayo saxiixa ciyaaryahankan.
Macallinka reer Spain ayaa waxa uu la saxiixday shan ciyaaryahan xagaagii, ka dib markii loo magacaabay shaqada Arsenal si uu beddel ugu noqdo Arsene Wenger.
Waxaase weli uu doonayaa inuu xoojiyo safkiisa, magaca ugu weyn ee la filayana waa Pavon la filayo in bisha January uusoo caga dhigto Emirates Stadium.



