Arda Turan Oo Guri Ka Iibsaday London Xili Uu Wada Hadal La Yeeshay Mid Kamid Kooxaha Ugu Waa Weyn Magaladaasi

Arda Turan ayaa guri ka iibsaday magaalada London,  meel aad ugu dhaw garoonka Stamford Bridge, taasoo sii kordhisay wararka xanta ah ee la xiriirinayo inuu u dhaqaaqi doono halkaasi dhamaadka xili ciyaareedkaan, sidaasi waxaa qortay Sport oo kasoo baxda Barcelona.

Iyagoo soo xiganaya qof aad ugu dhaw xidigaan, xidiga xulka qaranka Turkey ga ayaa guri ka iibsaday London isagoo waliba door biday mid aad ugu dhaw garoonka ay ku ciyaarto kooxda hogaamineysa horyaalka Premier League.

Tani waxay sii xoojineysaa wararkii xanta ahaa ee xidigaan la xiriirinayay inuu u dhaqaaqi doono kooxda Blues inkastoo dhowr jeer sidoo kale lala xiriiriyay kooxda Arsenal.

Wargeyska Turkish ka ah ee Fotomac ayaa sheegeysa in Turan oo 30 jir ah uu wada hadalo la yeeshay kooxda macalin Antonio Conte oo xiiseyneysa soo xerogelintoosa, waxayna xaqiijiyeen in xidiga uu todobaadkii h–e ku sugnaa magaalada London si uu wada hadalo ula soo yeesho Blues, waxaana lala sawiray saaxiibkiisi h–e ee Atletico Madrid ee Diego Costa.

Turan ayay badan tahay inuu baxo xagaagan isagoo dalabyo ka heysta horyaalka China halka Barcelona ay qorsheyneyso iney xidiga ku iibiso lacag fiican.

Xigasho laacib