Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ku dhawaaqay in ay qaadayaan tilaabooyinka deg deg ah oo wax looga qabanaayo Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya ee ku aadan xiriirka sii xumanaaya ee dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.
Kulan ay maanta yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayay kaga hadleen Xaaladdaha Amni daro ee ka jira dalka iyo Hanaanka Federaalka.
Xildhibaanada Aqalka Sare waxa ay sheegeen in ay doorkooda Matelaada maamul goboleedyadda ay qaadan doonaan.
War kasoo baxay Aqalka Sare ayaa sidoo kale lagu sheegay in sababo Amni iyo Mid Farsamo ay kaga baaqdeen furitaanka Kalfadhiga Afraad ee Aqalka Sare, islamarkaana ay dib kasoo sheegi doonaan xilliga uu furmaayo Kalfdhiga Aqalka Sare.
Warka ayaa sidoo kale tacsi loogu diray dadkii maanta ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay xarunta degmada Hodan ee Muqdisho



