Daafaca dhinaca bidix ee kooxdda Manchester United Antonio Valencia ayaa si kulul uga hadlay wararka la xiriira xaaladiisa guurka kadib markii dhowaan la sheegay inuu shukaansi qarsoodi ah wado.
31 jirkaan ayaa dhowaan waxaa ay kala tageen xaskiisii Zoila Meneses oo uu kala dhaxeeyay Jaceyl iyo dareen balaaran.
Saxaafada wararka walfisa waxaa ay sheegeen inuu shukaansi la bilaabay bishii dhamaatay gabadha 23 jirka ah ee England u dhalatay Sophie Vagsaeter.
Waxaa uu Twitter-ka ugu jawaabay saxaafada arintaan wada “maalmihii lasoo dhaafay waxaan arkayay dad waqtiga isaga qaadaya iney ka hadlaan nolasheyda gaarka ah, ma jecli inaan arko dhaqankaas laakiin dadka xiiseynaya iney ogaadaan xaaladeyda waxaan lee yahay waxaan ahay iskaabulo.
“Ma jiro qof uu hada igala dhaxeeyo xiriir toos ah.
‘Waxaan ka codsanaya saxaafada iney arimahan beenta ah joojiyaan, hada waxaan diirada saaraya uun xirfadeyda kubadda cagta iyo gabadheyda.
Antonio Valencia ayaa kusoo bilaawday dhamaan 7-dii kulan ee Man United ciyaartay Premier League xili ciyaareedkan.


