Antonio Guterres oo dacwad ka gudbiyay dalal ay kujirto Soomaaliya

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee AP Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa madaxweynaha golaha loo dhan-yahay ee QM  wuxuu uu u diray qoraal liddi ku ah wadamo ay ku jirto Soomaaliya.

Qoraalka Antonio Guterres oo la sii marsiiyay Volkan Bozkir ayaa lagu sheegay in
Soomaaliya, Comoros, iyo Sao Tome ay
wayn doonan xuquuqdooda cod-bixinta
sababo ku aadan in aysan  dhameystirneyn qoondadooda miisaaniyada UN-ka.

Hayeeshee Antonio Guterres uu sheegay in
goluhu uu soo saaray qaraar sheegaya
inay wali ka codayn karaan kalfadhiga
Hadda  socda oo ku eg bisha Sebtember ee
sanadkan 2021.

Dalalka Iran iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe  ayaa kamid ah dalalka lagu leeyahay qoondada
miisaaniyadda hawlgalka ee Qaramada
Midoobay, waxaana la sheegay inay dhankooda lumin doonaan xuquuqdooda codbixinta ee
Golaha Guud ee 193-ka xubnood.

Axdiga Qarammada Midoobay ayaa
dhigaya in xubnaha deyntoodu ay le’eg
tahay ama ka badato xaddiga
tabarucaadkooda labadii sano ee ka
horreysay ay lumiyeen xuquuqdooda
codbixinta, sida lagu sheegay qoraalka uu gudbiyay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Sida lagu sheegay warqadda uu gudbiyay xoghayaha guud ee QM  lacagaha ugu yar ee loo baahan yahay si loo soo celiyo xuquuqda codbixinta ayaa gaareysa $ 16,251,298 oo Iran laga doonayo iyo $ 29,395 oo ah Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Soomaaliya ayaa laga doonayaa inay bixiso lacag dhan $1443,640 si aysan u waayin
xuquuqdeeda codbixinta wixii ka
dambeeya bisha soo aadan ee September, halka
Comoros laga rabo bixiso $ 871,632, Sao Tome and Principe $829,888, sidaagu sheegay Qoraalka Xoghayaha Guud ee QM