Anthony Martial ma badbaadin karaa kooxdiisa Manchester United ?

Luke Shaw, Marcos Rojo, Matteo Darmian, Bastian Schweinsteiger, Phil Jones, Ashley Young, Antonio Valencia, Guillermo Varela, Adnan Januzaj, Cameron Borthwick-Jackson, iyo Marouane Fellaini …ayaa dhamaanba dhawac ka ah kooxda Manchester United.

Manchester United ayaa baxsad qarow ah kujira, iyagoo kabtanka kooxda garoomada uu ka maqnaanayo muddo lix todobaad kadibdhibaato jilibka kasoo gartay, taasoo halis gelineysa Shaqada Macalin Van Gaal.

Iyadoo Louis van Gaal dhibaatadaasi heysato waxa uu wajihi doona caawa kooxda FC Midtjylland wareega 32 koox ee ugu dambeeya Europa League caawa.

Van Gaal, ayaa ka fakiraya sidii uu Anthony Martial kaga dhigi lahaa ninka badbaadiya shaqadiisa iyo kooxdaba inta lagu jiro kulamada soo aadan.

Weeraryahanka France ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 10 gool waama in kabadan ciyaaryahanada kale ee Manchester United.