Amniga Magaalada Dhuusamareeb oo la Adkeeyay & Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan

Madaxweynaha Jamhuuriyaada Fedaraalka Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa  la filayaa Maanta oo Sabti ah ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug.

Ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh  ee  uu ku tagayo magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegaya in halkaas uu madaxweynaha kaga dhawaaqi doono wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Maalin ka hor waxaa magaalada Dhuusamareeb gaaray wafdi hordhac u ah safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo isugu jiray Xildhibaano ka tirsan laba Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ‘ qaar ka mid ah ciidamada ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha iyo Saraakiil .

Amaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa aad loo adkeeyay waxaana  Xarunta Madaxtooyada Magaladaas iyo wada wadada garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb la geeyay Ciidamo  aad u tiro badan kuwaas oo xaqiijinaya Amniga Magaaladaas .

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda qaban qaabo xoogan oo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo lagu wado  in saacadaha soo socda  ay gaaraan Magaaladaas