Dad tiradoodu ay gaarayso 13,000 oo ruux oo u badan shacab taageersan mucaaradka ayaa si qarsoodi ah loogu dilay xabsiyo ku yaalla Suuriya, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqda ee Amnesty International.
Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in daldalidda dadkaas tirada badan ay todobaad kaste ka dhici jirtay xabsiga Saydnaya intii u dhaxaysay September 2011 and December 2015.
Amnest waxay sheegtay in eedaymahaas dilka ah ay soo amri jireen masuuliyiinta ugu sareeya ee Dawladda Suuriya
Dawladda ayaa horay u diiday in ay dad laysay ama ay si xun ula macaamishay maxaabiis.


