Ammaanka Muqdisho oo Saaka la adkeeyay

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa Saaka si weyn loo xoojiyey, iyadoo ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka la dhigay wadooyinka qaar iyo isgoysyada.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Saaka xiray Qaar ka mid ah Isgoysyada Muqdisho sida Isgoyska Taleex.

Sidoo kale ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa baaritaano ku sameynaya Gawaarida dadweynaha .

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in ay ka dhacaan doorashooyinka  Madaxda Qaranka sida Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha  bishaan gudaheeda.