Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka Magaalada Muqisho, maadaama maanta ay dhaceyso xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Ciidamada Dowladda Federaalka qeybahooda kala duwan ayaa aad u adkeeyay ammaanka, waxaana wadooyinka Muqdisho lagu arkayaa Gaadiidka Dagaalka iyo Ciidamo hubeysan, si looga hortago Arbushaad dhacda xilliga xaflada Caleemo Saarka.
Munaasabada Caleemo Saarka ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madax ka socota Dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa deriska la’ah Soomaaliya, Xubnaha Beesha Caalamka, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada qaar, Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Dalka Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo marti sharaf kale.
Marti sharafta ka qeyb galeysa Munaasabadan iyo Wariyeyaasha ayaa xalay la gudoonsiiyay Kaararka ay ku galayaan Munaasabadan, la filayo in ay 11:00 Barkhanimo ka bilaabato xarunta Ciidanka Cirka ee Afasiyooni.


