Ciidanka Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ay adkeeyeen ammaanka guud ee magaalada Mombaza ee dalka Kenya ka dib markii ay soo baxday cabsi xoogan oo ku aadan in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay sugan yihiin gudaha magaalada Mombaza ee dalka Kenya.
Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska magaalada Mombaza ayaa wariyeyaasha u sheegay in ay bilaabeen howlgal cusub oo lagu adkeynaayo amniga magaalada Mombaza.
Ciidamo dheeraad ayaa lagu daad gureeyay xaafado badan oo ka mid ah magaalada Mombaza sida xaafad lagu magacaabo Mishomoroni .
Ammaanka ayaa si aada loo adkeeyay , waxaana dowladda Kenya aya sheegaysa in ay ka feejigan tahay weeraro ay geystaan Al-Shabaab sanadka cusub.
Gudoomiyaha magaalada Mombasa Nelson Achoki ayaa sheegay in ciidanka ammaanka Heegan Buuxa la geeliyay , islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay ka Hortagaan weeraro ka dhaca Magaalada maalmaha ciida Kirismiska.


