Ammaanka Magaalada Hargeysa oo la adkeeyay

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa si weyn u adkeeyay Ammaanka Magaalada Hargeysa, waxaana sidoo kale Xeryaha Ciidanka laga soo saaray Ciidamo dheeraad ah oo ka mid ah booliska sidda gaarka ah u tababar.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay cabsi qabto in banaanbax uu berri ka dhaco Magaalada Hargeysa.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland iyo Duqa Hargeysa ayaa si cad u sheegay in ay kasoo horjeeddaan Banaabax uu taageerayeyaashiisa uu ugu baaqay Hoggamiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Ciro.

Booliska Somaliland waxa ay sheegeen in banaanbaxa la joojiyay, islamarkaana Khalalaase uu ka dhalan karo.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa caawa xabsiga dhigay Xoghayihii Guud ee Xisbiga Waddani ee Somaliland Khadar Xuseen Cabdi iyo Afhayeenkii Xisbigaas Barkhad Jaamac Batuun.