Muqdisho-RisaalaFM- Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Francisco Madeira ayaa wacad ku maray in uu si dhow ula shaqeyn doono Ra’iisul Wasaaraha cusub oo Arbacadii ina dhaaftay lagu dhaariyay Magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo Ra’iisul Wasaare Khayre, sidaasi darteedna ay uga faa’ideysan doonaan sidii loo xoojin lahaa Dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo sidii looga hortagi lahaa Musuq maasuqa.
Sidoo kale Francisco Madeira ayaa si deg deg ah u balllan qaaday in ay xoojinayaan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, si loo soo gunaanado Dagaalka waqtiga dheer qaatay ee ay kula jiraan Shabaab.
“Midowga Afrika iyo AMISOM kalsooni buuxda ayay ku qabaan Ra’iisul Wasaaraha cusub, waayo waa nin wax badan ka garanaya arrimaha Bani’aannimada, Howlgalka AMISOM waan sii dar dar gelin doonaa, si Shabaab looga guuleysto” Ayuu yiri Francisco Madeira.
Madeira ayaa xaqiijiyay AMISOM in ay ka go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso Dowladda cusub si loo sii wado Howlaha samatabixinta, Dalka Soomaaliyana uu noqdo dal xasilooni iyo awood buuxda leh.
Ergayga Midowga Afrika ayaa ugu dambeyn ammaanay xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, kadib markii ay dhammaantood codka kalsoonida siiyeen Ra’iisul Wasaare Khayre, taasina ay muujineyso geedi socod iyo in 2020 la gaaro Doorasho Qof iyo cod ah.


