AMISOM oo ka hadashay dagaalkii Sh/Hoose

Muqdisho-RisaalaFM- Taliska Ciidamada Midowga Afrika, ayaa si kooban kaga hadlay dagaalkii shalayay Ururka Al Shabaab kula galeen Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo khasaare buuran gaystay.

Dagaalkan, ayaa ka dhacay meel ku dhow Degaanka Golweyn oo ku yaala inta u dhaxeysa Shalambood iyo Buulo Mareer, kadib markii ay Shabaabku wadada u galeen kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo ka yimid Degaanka Danow, kuna wajahnaa Buulo Mareer.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Korneyl Joe Kibet, ayaa waxaa uu xaqiijiyay kolonyo ay wateen ciidamadooda in lagu weeraray Gobolka Shabeellaha Hoose, isla-markaana uu weerarku ku bilowday qarax wadada dhinaceeda lagu aasay,

Afhayeenka oo la hadlay BBC, ayaa qiray in dagaal culus uu ciidamadooda iyo Shabaabka ku dhex maray Degaanka Golweyn, waxaase uu ka gaabsaday in uu faah faahiyo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, ha yeeshee uu xiriiro la leeyahay Saraakiisha AMISOM ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose, si xoggo kaga helo inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay.

Ururka Al Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaalkan, ayaa sheegay inay ku dileen 39 ka mid ah Ciidanka Uganda ee qaybta ka ah AMISOM, isla-markaana ay gacanta ku hayaan meydadka askartaasi.