AMISOM oo ka guurtay Jaamacada Gaheyr

Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamada Midowga Afrika AMISOM, ayaa ka guuray Saldhigii ay ku lahaayeen xaruntii hore ee Jaamacadii Gaheyr oo muddo ka badan 9 sano Saldhig Militari u aheyd.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa gacanta ku sii heynaya Xarunta ay Maanta ka guureen Ciidanka AMISOM inta Wasaarada Waxbarashada ay wado qorshaha dib loogu howlgelinayo sidoo kalena dayactirka loogu sameynayo Xarunta Jaamacada.

Munaasabadii Ciidanka Booliiska loogu wareejinaayay xaruntii hore ee Jaamacadii Gaheyr ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Saraakiisha Sare ee Ciidanka AMISOM, Wakiilo ka socday Beesha Caalamka, Dowladda Talyaaniga, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale.

Munaasabada ayaa waxaa ka hadalo ka jeediyay Aqoonyahanadii Casharada ka bixin jiray Jaamacada Gaheyr, waxa ayna ka sheekeeyeen adeegyadii ay bixin jirtay Jaamacada.

Aqoonyahanadaasi oo hada qaarkood Xubno ka ah Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo Hay’addaha kale ee dowladda ayaa Markii ay Maanta tageen Xarunta Jaamacada waxa ay ka murugoodeen Muuqaal hada ka muuqanayo Xarunta Jaamacada Gaheyr.

Wakiiladii ka socday Beesha Caalamka ayaa balan qaaday in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeynayaan sidii dib u dayactir loogu sameyn lahaa Jaamacada.

Wakiilka QM ee Soomaaliya Amb. Mecheal Keating ayaa sheegay in ay QM kaalin muhiim ah ka qaadan doonto dib u howlgelinta Jaamacada waxa uuna u mahad celiyay Saraakiisha iyo Ciidanka AMISOM.

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir C/laahi Erag ayaa Munaasabada ka sheegay in ay muhiim tahay in Ardayda Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho iyo Caafimaad lacag la’aan ah.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in dowladda ay ka shaqeyneyso dib u howlgelinta Jaamacada Gaheyr sidoo kalena fursad mar kale loo siin doono Ardayda Soomaaliyed iney adeegyo waxbarasho oo muhiim ah ay ka helaan Jaamacada.

AMISOM ayaa Saldhig ciidan oo waa weyn waxa ay ku leeyihiin gudaha Magaalada Muqdisho, waxayna AMISOM weli dagan yihiin, Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad, Garoonka Kubadda Cagta Stadio Muqdisho iyo meelo kale oo Magaalada ka tirsan.