AMISOM oo caawa dad shacab ah ku dhaawacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa caawa xabado ay fureen waxa ay dhaawac ugu geysteen Labo Qof oo shacab ah.

Ciidanka AMISOM ayaa la sheegay in Labada Qof ay dhaawaca ugu geysteen wadada xiriirisa Isgoysyada Sayidka iyo Dabka.

Dadkii ku dhaawacmay Rasaasta ay fureen ciidanka AMISOM ayaa loola cararay Isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana dhaawacooda lagu sheegay in uu yahay mid iska fudud.

AMISOM ilaa iyo hada kama aysan hadlin warkan ku aadan in ciidamadooda ay Labo qof oo shacab ah ay caawa ku dhaawaceen magaalada Muqdisho.

Dhowaan ayay aheyd markii ciidanka AMISOM ay wadada Dabka Gaari ay wateen ku jiirsiyeen Gaari uu lahaa Qof shacab ah.