Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Lix Ruux oo shacab ahaa oo xalay lagu dilay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidanka AMISOM ayaa waxa ay sheegeen in Al-Shabaab ay madaafiic ay kusoo tuureen fariisin ay ku lahaayeen ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxaana ay sheegeen in madaafiidaasi qaarkood ay ku dhaceen goobo ay marayeen dad shacab ah.
Al-Shabaab ayaa saaka ku eedeeyay ciidanka AMISOM in ay ku dambeeyeen Lix Ruux oo xalay Baasuuge lagula dhuftay Gaari ay saarnaayeen oo marayay degmada Qoryooley ,islamarkaana Khudaar u siday Magaalada Baydhabo.
Dadka dhintay ayaa kala ahaa 3 rag ah iyo 3 dumar ah.
Ilaa iyo hadda ma cadda cida soo tuurtay Baasuugaha ku dhacay Gaariga.


