Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dalbaday 4,000 kun oo askari oo dheeraad ah si wax looga qabto la dagaalanka Al-Shabaab.
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa sheegay in ay u baahan doonaan ugu yaraan 4,000 oo Askari oo dheeraad.
AMISOM ayaa sheegtay in xiligan xaalada Soomaaliya loo baahan yahay in lagu bixiyo dadaal dheeraad ah madam ay ka dhacayaan doorashooyin , islamarkaana loo baahan yahay in si weyn loo xaqiijiyo ammaanka Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale Caasimadaha dowlad goboleedyada.
Afhayeenka AMISOM ee Soomaaliya, Lieutenant Colonel Joseph Kibet sheegay in ammaanka doorashada ay tahay mid muhiim ah, loona baahan yahay in ciidanka AMISOM lagu soo kordhiyo ku dhawaad 4,000 oo askari ,kuwaa soo qeyb qaadan doonaan sugitaanka ammaanka doorashada Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay ka qabsadeen meelo muhiim ah ,laakiin ay wali taagan tahay weerarada ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.
Afhayeenka ayaa sheegay in ay tahay baahida deg deg ah in la helo ciidamo gaaraya 4,000 kun askari si ay ugu qeyb qaadaan suggitaanka ammaanka Soomaaliya.
Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamo gaaraya 140 Askari oo ka tirsan Booliska Nigeria ee jooga Soomaaliya ay ka qeyb qaadan doonaan xaqiijinta amniga goobaha ay ka dhaceyso doorashada Soomaaliya.


