Amiirkii Alshabaab degaanka Buulo Xaaji ee gobola Jubada Hoose oo isa soo dhiibay

Afar xubnood  oo ka mid aha saraakiishaa Alshabaab ee deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada hoose ayaa isu dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.

Saraakiisha isa soo dhiibay ayaa kala ahaa Amiirkii tuulada Buulo Xaaji, madaxii maaliyadda Alshabaab ee degaankaas, madaxii Sirdoonka iyo  sarkaalkii u qaabbilsanaa Zakawaadka.

Isa soo dhiibista Xubnahaan ka tirsan Alshabaab ayaa ku soo aadeysa Xuulu Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka  Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen degaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose .