Amar lagu soo rogay Hay’adaha kala duwan ee Dowladda

Warqad kasoo baxday Xafiiska Garyaqaanka  Guud ee Dowladda  ayaa waxaa lagu amray dhamaan Hay’adaha Dawladda inay  si deg deg ah ug asoo gudbiyaan dhamaan Heshiisyadii Hore loo galay iyo kuwa hadda la galayo ee ku saabsan Kireynta Hantida Dawladda.

Qoraalka oo la ogeysiiyay, Madaxweynaha ,Ra’iisul Wasaaraha, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xafiiska Hanti Dhowrka iyo Guddiga badbaadinta soo celinta hantida Dowladda,ayaa lagu sheegay in go’aan kaan la soo saaray, iyada oo la tixraacayo Warqad uu wasiirka Maaliyadda Soomaaliya soo saaray 13/7/2019 taas oo ku saabsaneyd dib u hubinta heshiiskii Kireynta Guryaha.

Sidoo kale Hay’adaha Dowladda ayaa la faray inaysan geli Karin heshiis ku saabsan Hanti dowladeed, iyada oo aan la marin habraacya Sharciga tilmaamayo.

Hoos Ka Akhriso Warqada kasoo baxday Xafiiska Garyaqaanka  Guud ee Dowladda.