Amaanka Muqdisho oo aad loo adkeeyay

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa Saakay aad loo adkeeyay amaanka guud ee Magaalada Muqdisho oo maanta lagu wado in uu ka furmo Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD, tan iyo markiii ururkan la aasaasay 1986-kii.

Ciidamo dheeraad ah ayaa wadooyinka Magaalada muqdisho la soo dhoobay, gaar ahaan agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho oo ah halka uu ka dhacayo shirka, waxaana si aad ah loo xoojiyay amaanka.

Ummada Islaamka ayaa maalintii labaad u dabaal degaya Farxada Munaasabada Ciidul Adxaa, iyadoo xirnaanshaha wadooyinka ay saameyn ku yeelatay shacabka ku nool Magaalada Muqdisho.

Qodobada shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan, arrimaha diyaargarowga doorashada Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira iskaashiga iyo wax wadaqabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys oo la hadlay VOA ayaa sheegay in shirkan Muqdisho uu ka socon doono Hal maalin, sidoo kalena Soomaaliya ay u tahay guul weyn.