
Weerar ku bilowaday qaraxyo ayaa maleeshiyaadka Al-shabaab waxaa ay ku qaadeen fariisin ay cidiamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe, waxaana dagaalka uu ka socdaa deegaanka Ceel Cali Axmed.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarka kadib uu qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Sedex deegaan oo kala ah Ceel Cali Axmed, Daaru-nimca iyo Cali-Fooldheere ayay Al-shabaab saaka ku jardaameen, iyadoona weli dagaalka uu ka socda deegaanadaasi.
Sidoo kale waxaa adag in xog laga helo deegaanada ay dagaalka ka socdaan, maadaama isgaarsiinta ee deegaanka uu culeys ka taagan yahay.
Xaaladda ayaa haatan kascsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamo gurmad ah ay ka baxeen deegaanada Aadan Yabaal, Al-kowther, Maxaas iyo deegaano kale, si ay Al-Shabaab uga difaacaan inay gacanta u gasho deegaanadaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in duqeymo xooggan ay ka socdaan deegaanada xiligan lagu dagaalamayo.
Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah gobollada lagu jabiyay Al-Shabaab, isla-markaana inta badan laga saaray deegaanada gobolkaasi oo ay ku lahaayeen saldhigyo waa weyn.
Bariga Hiiraan ayaa sidoo kale kamid ah meelaha laga xoreeyay kooxda, halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.
Balse waxaa jira weeraro gaadmo ah ay soo qaado Al-Shabaab kuwaas oo geysta khasaara fara badan inta badan Al-Shabaab ayaa weeraradeeda u adeegsato qaraxyo kuwaas oo ay ku qaadaan xeryaha ciidamada ay ku leeyihiin gobolka Hiiraan.


