Al-Shabaab oo xalay weeraray Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Dowladda & AMISOM

Wararka laga helayo degmada  Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaasi uu dagaal culus ku dhexmaray Ciidamada dowladda kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Ururka dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeysay kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-Burde,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo mudo socday,sida ay sheegeen dad ku sugan degmadaas.

Guddoomiye ku xigeenka amniga degmada  Buulo-Burte Cismaan Geedi ayaa sheegay inay dhankooda iska difaaceen weerarkii xalay kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Waxaa uu sheegay in rasaasta ay kasoo rideen Al-Shabaab dhinaca Galbeed ee degmada Buulo-Burde,hayeeshee Ciidamada wax khasaaro ah kasoo gaarin dagaalkii dhexmaray labada dhinac,sidoo kalena xaaladu ay tahay mid degan.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM ee degmada Buulo-Burde & Al-Shabaab weli kama hadlin dagaalkaas,hayeeshee waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay gelinkii dambe ay Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM la wareegeen deegaanka Buurweyn oo hoostaga degmada Buulo-Burde.