Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanada Ceel-Saliini iyo Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dadka deegaanadaasa qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaas ay isku ridayeen Ciidamada Dowladda & Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee Saldhigyada weeraray,waxaana dagaal halkaasi ka dhacay Guulo ka sheegtay taliska Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Janeraal Cabdi Xamiid Maxamed Dirir ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka sida u sheegay in tobaneeyo ka mid ah Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday la dilay, islamarkaana ay jiraan dhaawacyo soo gaaray Xubno kale.
Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin dagaalka ay ciidamada dowladda kula galeen deegaannada Ceel-Saliini iyo Bariire iyo guusha ay dagaaladaaska sheegtay Taliska Ciidanka xoogga dalka.



