Wararka naga soo gaaraya magaalada Baadheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay fiidkii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin duleedka magaalada.
Goobjoogayaal ku sugan magaalada ayaa Risaala u sheegay in rasaas culus ay is weydaarsadeen ciidamada Kenya ee saldhigga ku sugan iyo Al-Shabaab.
Muddo ku dhow saacad ayuu dagaal xooggan ka socday Saldhiga Ciidamada dowladda Kenya .
Dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay in ciidamada Kenya ay dib iskaga riixeen dagaalyahanadii Weerarka kusoo qaaday.
Wararka waxa ay sheegayaan in dagaalkaasi uu ka dhashay khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac.
Ilaa iyo haatan ma cadda khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi.


