Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar sabbay dhimasho iyo dhaawac ay ka geysteen deegaan ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug.
Weerarkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaanada Xinlabi iyo Baraaciise,waxaana Goobjoogayaal ay sheegen in Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku Eileen Saddex Ruux halka hal qofna at qabteen.
War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ay fuliyeen howlgal ka dhan ah rag burcad ah oo isbaarooyin dhigtay deegaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug.



