Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dagaal la’aan kula wareegeen degaanka Coos Mudulle oo hoostaga degmada Kutulow ee gobolka Wajeer, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo soomaali ah oo ay taageerto dowladda Kenya.
War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ka hor inta aysan la wareegin degaanka ay hareereeyeen, taas oo keentay inay Ciidamada Soomaalida ah si nabadgeliyo ah iga baxaan, iyada oo uusan dagaal ka dhicin degaanka.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Xubnaha Al-Shabaab ay dadka degaanka ay fagaaro kula hadleen, isla markaan ay ka dalbadeen inay la Shaqeeyaan kadibna ay degaanka isaga baxeen.
Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa qarax miino la beegsaday Kolonyo Gaadiidka Ciidamada Kenya eek u socdaalayay inta u dhaxeeysay deegaannada kala ah Kiwaanja iyo Caalin juqur ee duleedka Magaalada Gaarisa.
Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu qabsaday mid kamid ah gaadiidka Ciidamada Kenya oo burbur soo gaaray, waxana weli la xaqiijin khasaaraha kale ee ka dhashay qaraxaas.
Dhowr jeer ayay Al-Shabaab weeraro toos ah iyo qaraxyo ka fuliyeen degaano katirsan Gobolka Waqooyi Bari Kenya, halka Ciidamada Kenya ay dhankooda howlgallo ay sameeyaan ay kudilaan Xubno katirsan Al-Shabaab.



